Uncategorized

Al-Shabaab oo Xalay Weerar ku qaaday Ciidamada Puntland ee ku sugan Duleedka Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Wararka Naga soo gaaraya  Gobolka Bari ayaa sheegaya in Xalay Dagaalamayaasha  Al Shabaab ay weerar ku qaadeen  Saldhig Ciidamada Puntlanda ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay Saldhig malateri oo ay Ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Sugure ee Gobolkaasi Bari.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in khasaaro ay gaarsiyeen Ciidanka Puntland, inkastoo aysan cayimin inta uu la egyahay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana Saakay howlgallo ka sameeyay Degaanka Sugure  Ciidamada Puntland, kadib weerarkii Xalay ka dhacay Deegaankaasi.

Magaalada Boosaaso ayaa Waxaa ay ka mid tahay meelaha inta badan ay ka dhacaan Weerarada Tooska ah oo ku dhexmara Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamada Maamulka Puntland.