Somali News

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday deegaanka Buula Mareer.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ayt Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buula mareer ee Gobalka Shabeelah Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa jugta daryanka waxaa laga maqlayay tuulooyinka ka agdhow Buula Mareer.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa KNN waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Buula Mareer oo hoostaga degmada Kuntuwaarey ee Gobalka Shabeelaha Hoose.