Muqdisho-KNN-Dagaal u dhexeeya Ciidamada xoogga oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan degmada Qoryoolay iyo duleedka Degmadaasi.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab Wadada u galeen Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM,waxana goobjoogayaal ku sugan Duleedka Degmada qoryoolay ay sheegayaan in mudo saacad ku dhow u halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidmada AMISOM iyo Dagaalamyaasha Al-Shabaab.
Dhinacyada dagaalamay ayaa waxaa la sheegay in khasaaro uu soo gaaray,inkastoo ilaa iyo hada aan la ogaan Karin khasaarahaasi.
Guddoomiye xigeenka Amniga Qoryooley Maxamed Cabdi Gaashaan oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay dagaal ka dhacay degmadaasi
Ciidamada Amaanka ayaa saakay howlgalo ka wado magaalada Qoryoolay ee Gobalka Shabeelaha Hoose.


