Somali News

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday xerada ciidamada Hiilweyne

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen Xerada Hiilweyne, halkaasoo ay xarun u aheyd Ciidan ka tirsan Xoogga dalka.

Dadka degaanka ayaa KNN  u sheegay in dagaalamayaasha  Al-Shabaab ay galeen xerada iyaga oo dilay Shan qof oo Afar ay yihiin dad shacab ah, halka midka kalana uu yahay askari.

Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan xeradii hore ee Hiilwayne.

Xerada Hiilweyne ayaa u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana ay qiyaastii dhowr iyo labaatan KM u jirtaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.