Uncategorized

Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaday Degmada afgooye.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan  Al-shabaab ayaa Xalay weerar ku bilowday laba Bambo gacmeed waxa ay ku qaadeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-yar ee degmada Afgooye.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay isweyraadsanayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Taliyaha saldhiga  degmada Afgooye oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa sheegay rag ka tirsan Shabaab in ay weerar soo qaadeen balse Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.