Somali News

Al-Shabaab oo xalay weerar xoog leh ku qaaday degmo ka tirsan Sh/Hoose.

Afgooye-KNN-Waxaa faahfiino laga helayaa dagaal xalay ka dhacay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka  iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamo dowladdu ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu dhex maray labada dhinac, waxaana salkaal u hadlay ciidanka dowladda ee saldhigooda lagu weeraray uu sheegay inay ka war heleen weerar kaga soo wajahan dhanka Al-Shabaab,isla markaana ay u diyaar garoobeen iskana difaaceen.

Sarkaalka ayaa sheegay in Al-Shabaab dagaalkaas ay kaga dileen Afar dagaalame dhankooda uu ka dhaawacmay hal Askari, mana jirto cid ka madax banaan sarkaalkaas u hadlay ciidankii saldhigooda lagu weeraray oo war bixisay dagaalkaas.