Uncategorized

Al-Shabaab oo xalay weeraray Afgooye.

Afgooye-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus Ku qaaday xaafado ka mid ah degmada Afgooye oo ay saldhigyo Ku leeyiihiin Ciidamada Soomaaliya.

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo watay Hubka nuucyadiisa kala duwan sida dadka degaanka ay sheegeen ayaa weerarkooda waxa ay ka soo bilaabeen dhanka Wabiga, halkaasi oo u dhow fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin.

Dadka degaanka ayaa KNN u sheegay dagaalka in mudo kooban uu ka socday xaafadaha Siigaale iyo Ceel-qode ee degmada Afgooye, halkaasi oo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa inoo sheegay dagaalka intii uu socday in ay maqleen Madaafiic ku soo dhacday Wabiga, balse aanay garaneyn cida sida rasmiga ah u riday.

Weerarkaan ayaa Ku soo beegmaya iyadoo Al-shabaab laga qabsaday deegaano muhiim ah oo Ku dhaw dhaw degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.