Uncategorized

Al-Shabaab oo xalay weeraray degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Balcad-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Qaansheeg oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Weerarka ayaa lagu qaaday fariisin ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin halkaasi ayaa waxa uu socday mudo kooban waxaana ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in ay arkeen dhimashada ugu yaraan 3 qof ka tirsan dhinacyadii dagaalamay waxaana sidoo kale jira Khasaare kale oo soo gaaray dadka rayidka ah.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan oo ay weerarkan uga hadleen waxay ku sheegeen weerarkan in ay ku dileen ilaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay qaateen ilaa 4 Qori oo uu ku jiro Qori Baasuuke ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay Duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha dhexe.