Somali News

AL-shabaab oo Xalay weeraray Saldhig Amisom ay ku leeyihiin Marka.

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaro uu ka dhashay dagaalka, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka magaalada Marka iyo kan gobolka shabeellada Hoose.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Marka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan,hayeeshee xaalada ay tahay mid degan.