Balcad-KNN-Wararka naga soo gaaraya tuulada Xawaadleey oo ku taalla duleedka degmada Balcad ayaa waxa sheegayaan in ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo halkaa fariisimo ku lahaa ay weerar ku qaadeen koox aan heybtooda la garan.
Weerarkan ayaa waxaa la sheegayaa in uu ku dhaawacmay taliyihii ciidamada saldhigga ku lahaa tuulada Xawaadleey waxaana jira tiro kale oo dhaawacyo ah, sidoo kalana waxaa halkaa lagu gubay baabuur ay laheyd maxkamadda degmada Balcad.
deegaankan ayaa maalmahan waxaa ka taagnaa isqabqabsi dhanka dhulalka ah, arrintaa ayaana ah waxa koowaad ee weerarkan loo tiirinayo, inkasta oo wali si rasmi ah aan loo ogeyn cidda weerarkaa ka danbeysa.