Somali News

Al-shabaab oo xalay weeraro ka fuliyay Afgooye

Afgooye-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dagaalamayaasha Al-shabaab xalay ku qaadeen fadhiisimo Ciidamada dowlada ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay soo weerareen fadhiisimo Ciidamo ka tirsan dowlada ay ku leeyihiin Buundada degmada Afooye, halkaasina uu ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Waxaa sidoo kale dadka deegaanka ay tilmaameen in dagaalkaas uu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo ay ka bixiyeen dhinacyadii dagaalamay oo ku aadan dagaalkaas xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.