Somali News

Al-Shabaab oo xukun ku fuliyay nin ay ku eedeeyeen inuu kufsi geystay.

Muqdisho-KNN-Al-Shabaab ayaa Meel fagaaro ah oo ku yaala Degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe waxaa ayna xukun ku fulisay Nin ay sheegtay inuu kufsi u geystay Qof Dumar ah.

Waxaa ayna Shabaab ay ku eedeeyeen in Ninkan uu wadada u galay haweenayda oo la tilmaamay in ay wadatay Caruur badan.

Al-shabaab ayaa marar badan waxaa ay xukun ku fuliyaan dad ay sheegeen in ay kufsi geysteen ama ay jawaasiis u yihiin Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Maxkamada ugu weyn ee Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegaa in ay ku taallo degmada Jilib ee Gobalka Jubada dhexe.