Uncategorized

Al-Shabaab “Sarkaal ayaa ku dilnay Ceelasha Biyaha”

Ceelasha-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay in deegaanka Ceelasha biyaha ay ku dilayn Taliyihii deegaanka kadib weerar ay ka fuliyeen xaafad ka tirsan ceelasha Biyaha.

Qoraal ay ku baahiyeen Barta wararka ay ku leeyihiin Internate-ka ayey ku sheegeen in ay ku dileyn Tuulada Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho iyo Askari la socday.

Ninka ay dileen ayey magaciisa ku sheegeen Mustaf Beer Dilaacshe oo hogaan u ahaa Ciidamada Ilaalada Ceelasha biyaha sida ay hadalka u dhigeen kadib weerar ay sheegeen in ay ku qaadeen isagoo dhax lugeynaya Ceelasha biyaha.

Ma jirto cid shabaab ka madax banaan oo xaqiijin karta arintaan, dadka deegaanka ayaa sheegay in Askari lagu dilay Ceelasha Biyaha balse aysan ogeen inuu yahay taliyihii deegaanka.

Masuuliyiinta shabeelaha Hoose iyo ceelasha biyaha wali kama jawaabin Telephonadeena halka qaarkoodna ay ka gaabsadeen.