Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegay in tiri Madaafiic ah ay Saakay ku garaaceen Saldhiga dowlada Turkiga ee deegaanka Jaziira ee magaalada Muqdisho.
Al-shabaab ayaa sheegay in ka Abadan 10 Madfac ay ku garaaceen Saldhiga Melatari ee Turkiga oo ay sheegeen in xiligaa uu ka socday tababar ay qaadanayeen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda macado khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi, mana jirto faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helaayo weerarkaasi ka dhacay sida la sheegay xerada tababarka ee deegaanka Jaziira ee Turkiga.
La soco wixii ka soo kordha.