Sports

Alex Oxlade-Chamberlain oo ka maqnaan doono Koobka Aduunka. 

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England Alex Oxlade-Chamberlain ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee xagaaga sababo la xiriira dhaawac jilibka ah oo uu ka soo gaaray kulankii kooxdiisa ay laciyaartay kooxda Roma.

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal ayaa maray baaritaanno maanta dhaawaciisa jilibka ah ayaa la xaqiijiyay inuu xidigan Mudo garoomada ka maqnaan doono

Liverpool ayaa soo saartay hadal ay ku xaqiijineyso in dhaawaca soo gaaray Oxlade-Chamberlain uu ka qeyb qaadan doono tartanka koobka aduunka ee ka dhici doono bartamaha June dalka Russia inuu seego xidigan .

“Xaqiiqda dhaawaca ayaa la micno ah in Oxlade-Chamberlain uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka kooxda Liverpool, iyo sidoo kale Koobka Adduunka ee Ruushka oo uu England umatali lahaa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah.

“Oxlade-Chamberlain wuxuu haatan bilaabi doonaa si uu u baxnaaniyo caafimaadkiisa si uu ugu suura galiyo kooxdiisa inuu markale taam ahaansho buuxda hello sida ugu dhaqsiyaha badan, isagoo ku soo laabanayo xilli ciyaareedka soo socda liverpool.”

Reds ayaa intaa ku dartay in aysan jirin wakhti go’an oo lagu xaqiijin karo inuu soo laabanayo Oxlade-Chamberlain.

Qalinkii:Aadam Aqyaar