Uncategorized

Allaha u naxariistee Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Q.M oo ku geeriyooday Mareykanka

Muqdisho-KNN-Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobey Cabdiraxiin Caabi Faarax ayaa ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Allaha unaxariisteen Danjire C/raxiin Caabi ayaa Soomaaliya ku matalyay Qaramada Midoobey intii u dhaxeysay 1965 ilaa 1972dii,waxaa uu sidoo kale soo noqday danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya u fadhiyay  intii u dhaxeysay 1961-dii ilaa 1965.

Sidoo kale intii u dhaxeysay sanadihii 1979-kii 1990-kii ayaa Danjire Caabi wuxuu Soomaaliya ku matalayay ururka Jaamacada carabta, wuxuu sidoo xilal ka soo qabtay Allaha u naxariisteen dowlada uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

Danjire C/raxiin ayaa ku dhashay dalka Ingiriiska sanadkii 1919-kii wuxuuna ku geeriyooday da`ada 99-aad.