Uncategorized

Allaha u naxariistee wariye Axmed Xasan Colaad oo xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Allaha u naxariirtee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xasan Colaad oo ka mid ahaa wariyaasha ka howgala Magaalada Muqdisho kana tirsanay shaqaalaha laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Marxuumka ayaa maalmihii dambe ku xaniinsanayay magaalada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen eheladiisa oo la hadlay KNN, abbaaro  sideedii saac ee saqdii dhexe ee xalay ayuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala degmada Boondheer ee Gobolkaan Banaadir.

Allaha u naxariirtee Axmed Xasan Colaad ayaa ifka ugu tagay 4 caruur ah oo kala ah  laba wiil iyo laba gabdhood,  maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.