Uncategorized

Alshabaab oo lagu duqeeyay Gobolka Shabeelada Hoose.

Afgooye-KNN-Duqeeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan la garan heeybtooda ayaa shalay galinkii dambe waxa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Duqeynta ayaa waxaa lala eegtay dagaalamayaal katirsan Alshabaab meel ku dhaw deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Warar hoose oo ey heleeyso Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in khasaaro uu soo gaaray Xubno Alshabaab katirsan ee duqeynta lala eegtay.

Duqeeyntan ayaa dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay, wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahy, iyada oo khasaaro aan yareeyn uu soo gaaray dadka Beeraleeyda ah ee deegaankaasi ku dhaqanay.

Illaa iyo hadda Alshabaab Iyo Waliba Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose  kama hadal duqeentan shalay galinkii dambe ka dhacday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose.