Somali News

Amaanka garoowe oo maanta aad loo adkeeyay.

Garoowe-KNN-Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee magaalada Garoowe, halkaasi oo la filayo in ay gaaraan Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Guud ahaan magaalada Garoowe waxaa lasoo buuxiyey ciidamo aad  u fara badan, kuwaasi oo xaqiijinaya amniga Magaaladaasi, iyadoona  magaaladaasi laga dareemayo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweynaha iyo R/wasaaraha Soomaaliya.

Shalay waxaa magaalada Garoowe tagay wafdi horudhac u ah madaxweynaha, kuwaasi oo usii gogol xaaraya soo dhoweyntiisa.

Sidoo kale waxaa magaalada ka socda howgallo balaaran oo ay wadaan ciidanka ammaanka , waxaana baaritaano lagu sameynaaya dadka iyo sidoo kale gaadiidka Soo galaya Garoowe.