Uncategorized

Amaanka Jowhar oo aad loo adkeeyay iyo Wafuud ka socota Dowlada iyo Maamul Gobaledyada oo ka qeyb galaya caleema saarka madaxweyne Waare.

Jowhar-KNNWararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee  Munaasabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Magaalada maalmahan waxaa ku sii qulqulayay Wafuud kala duwan oo Munaasabadda lagu casuumay, waxaana laga dareemayaa diyaar garow aad u balaaran,maadaama saraakiil muhiim ah ay tagayaan munaasabadaas.

Wufuud kala duwan oo qeyb ka ah Wasiiro Xukuumadda ka socda oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in ay maanta tagaan Jowhar, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda.

Amaanka magaalada jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga magaaladaasi oo ay ku wufuud ka socota dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada.