Uncategorized

Amaanka Isgoyska Sayidka oo aad loo adkeeyay.

Muqdisho-KNN-Waxaa saakay aad loo adkeeyay amaanka Baraha Control ee ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya iyo Guriga Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay bateyn Weerarada Qaraxayada ee lagu soo qaado Barahaas Control.

Ciidamada amaanka ee Isgoyska Sayidka ayaa shalay ka hor tagay Qarax Gaari loo adeegsaday inkastoo uu sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana saakay laga dareemaya Isabadal dhinaca amniga difaacyada Ciidanka.

Biraha waa weyn iyo gaadiid dagaal oo ah Nuuca Ciidamada ayaa saakay lagu arkay Isgoyska Sayidka ee magaalada Mudisho oo shalay uu ka dhacay Qarax loo adeegsaday Gaari lagu soo raray Waxyaabaha Qarxa.

Labada dhinac ee Wadada ee Gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa ay isticmaalaan ayaa lagu gooyay Biro waa weyn iyo dhagxaan adag waxaana la dhigay Ciidan kale, sidoo kale Baaritaanada Gaadiidka ayaa aad loo adkeeyay.

Al-Shabaab ayaa shalay weerar qarax Gaari ah ku soo qaaday Isgoyska Sayidka oo ku dhaw dhismaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya OTO OTO iyo Dhismaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana qaraxaas ka hor tagay Ciidamada Koofi Casta ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.

Saraakiisha amaanka ee Madaxtooyada dalka ayaa sheegay in ay fashiliyeen Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, sidoo saraakiisha amaanka ayaa sheegay in sidaan oo kale ay ka hortagayn qaraxyo hore isugu dayeen Al-Shabaab in ay ka geestaan meelo Muhiim ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.