Somali News

Amar culus oo la duldhigay Hoteelada Ku yaala Liido.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa amar ku bixiyey in Makhaayadaha iyo Hoteellada ku yaalla Xeebta Liido aysan furnaan karin waxii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe.

Waxaa uu sheegay Gudoomiye Yariisow  in Maamulka Gobolka Banaadir marnaba uusan aqbali karin wax walba oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka iyo Anshaxa Suuban ee Soomaaliyeed, goobtii ganacsi iyo ciddii arrintaa lagu helana laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

“Maamulka Gobolka Banaadir isagoo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo ka soo gaaray bulshada, waxuu joojiyay in wixii ka dambeeya 12ka Saqda dhexe aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla Xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda Diinteena, anshaxa suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa”.