Somali News

Amar culus oo la duldhigay Shacabka iyo odayaasha dhaqanka ee Beled-xaawo.

Beledxaawo-KNN-Maxamuud Xayd Cusmaan Guddoomiyaha degmada Balad-Xaawo oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin kulul waxaa uu u diray shacabka iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Beled-xaawo ee Gobalka Gedo.

Guidoomiyaha ayaa sheegay in aan marnaba la ogolaan doonin in dadka Balad-Xaawo ay la macaamiilaan dagaalamayaasha Al-Shabaab, isagoona sheegay in tilaabi adag laga qaadi doono.

Waxaa uu shaaca ka qaaday Gudoomiyaha in Shacabka iyo Odayaasha Dhaqanka Magaalada Beled-xaawo aysan garsoor u doonan Karin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sii hadlaya ayaa waxaa uu tilmaamay in cidii la shaqeysa  Al-Shabaab, islamarkaana Garsoor u doonata Al-Shabaab lagu ganaaxi doono lacag dhan,(Saddex Kun) oo dollar, isagoona sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono.

Amarkan ka soo baxay Maamulka degmada Beledxaawo ee Gobalka Gedo ayaan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono.