Somali News

Amar culus oo la duldhigay wasiirada maamulka Jubbaland

Kismaayo-KNN-Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa soo saaray amar culus oo ku socdo wasiirada maamulkaasi.

Maxamed Sheekh Cismaan oo warbaahinta ugu warramay Kismaayo ayaa sheegay in wasaarad kasto laga rabo inay xafiiska xeer ilaalinta u soo gudbiso nuqulo ka mid ah heshiisyada ay galeyso, si dabagal loogu sameeyo heshiisyadaasi.

Waxaa uu sheegay in arrintaan ay muhiim u tahay in dabagal lagu sameeyo si loo hubyo, isla markaanaa ay yihiin kuwo sharci ah oo uu dhigayo qodobka 64aad ee Dastuurka Jubbaland ee ku saleysan ilaalinta Hantida Dowladda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan Saciid waxaa uu hadalkiisa inatasi ku daray in maranaba aysan jiri karin in la galo heshiisyo ku saabsan Hantida Danta guud, iyada oo aysan la socon Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Jubbaland.