Somali News

Amar lagu soo rogey dadka reer Gurceel

Gurceel-KNN-Warqad ka soo baxday maamulka degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu amray in aan Hotelada iyo goobaha dadku ku kulmo lagu qaban karin shir ama xaflad aan maamulka lasoo ogeysiinin 24-saacadood kohor markii la isku imaanayo.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururada bulshada rayidka ee ka aas-aasan Gurceel, isla markaana aan maamulka u diiwaan gashanayn ay isi soo diiwaan galiyaan si loo hubiyo ururada saxda ah ee diiwaangashan degmada.

Waxaa xusid mudan in amarkan ka soo baxay maamulka uu ku soo aadayo iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dadka ku nool magaalada Gurceel dhaliilo iyo cabasho ay ka qabaan warbaahinta u marinayeen maamulka degmada Gurceel.