Kismaayo-KNN-Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in kulan ay yeesheen Xildhibaanada maamulkaasi ay isku raacayn meel marinta qodob tilmaamaya in Baarlamaanka Jubbaland aysan kulan ku yeelan karin meel ka baxsan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.
Dastuurka Baarlamaanka Jubbaland ayaa qoraya in Xildhibaanada ay kulan ku yeelan karaan meel walba oo ka mid ah deegaanada Maamulka Jubabaland ee gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, balse qodobkaan ayaa la sheegay in dib u eegis lagu sameeyay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubaland oo aan la hadalnay ayaa KNN u xaqiijiyay arintaan laga soo abaabulay Madaxtooyada magaalada kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayna ka war qabaan madaxda Jubbaland.
Xildhibaano gaaraya 38 Xildhibaan ayaa qodobkaan taageeray waxaana la sheegay in Xildhibanaadaasi ay kulan la qaatayn Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada kismaayo ka hor inta uusan kulanka Baarlamaanka dhicin.
Xildhibaanada Jubbaland ayaa heysan Xuriyad ay ku soo bandhigaan aragtidooda siyaasadeed iyo sidoo kale in aysan la xisaabtami karin hay’adaha maamulka Jubbaland, dhowr Xildhibaan oo ka hadlay Arimo siyaasadeed ayaa Xasaanadii Xildhibaanimo lagala noqday, waxaana lagu eedeeyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”