Muqdisho-KNN-Wakiilka Xog-hayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameysay horumarro la xusi karo 12 kii Bilood ee lasoo dhaafay.
Michael Keating waxaa uu sheegay in uu Madaxweeynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ku amaanaayo dadaaladooda adage e ay isbadalka ku doonayaan, hadii ay ahaan lahayd mid Dhaqaale, Bulsho iyo amaan. Wuxuuna Madaxda kale ee Soomaaliya ku booriyay in ay la shaqeeyaan si looga shaqeeyo in Dadka Soomaaliyeed ay Najiito Wanaagsan Helaan.
“wax la xusikaro ayaa lagaaray 12 kii Bilood ee lasoo dhaafay, haddii ay haan lahayd ka hortagga Macluushii, kordhinta Daqliga, meelmarin sharciyo muhiim ab, cadeeynta xiriirka wada shaqayneed ee Dowladda Faderalka ah iyo Maamul goboleedyadda iyo hour u wadidda dib u eegista Dastuurka iyo hanaanka doorasho” ayuu Keating ku shegay War qoraal ah oo uu xafiiska kasoo saaray shalay.
“wadada loo socdo waa ay dheertahay, Caqabadahana waa in aan la yareeysan” ayuu hadalkiisa ku sii daray Michael Keating.
Wakiilka QM ayaa waxaa uu sheegay in Beesha caalamka iyo QM ay si wada jir ah Dowladda Soomaaliya u taageerayaan si ay horumarro la taaban karo u gaarto Sanadaha soo socda.