Uncategorized

Ambassador Michel Keating oo maanta ku wajahan magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

Muqdisho-KNN-Ambassador Michel Keating Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta Gaaro magaalada Hargeysa ee Xarunta Soomaaliland.

Keting oo Shalay booqday Puntland kulana la qaatay Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale maanta kulan la qaadan doono Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin kale.

Ambassador Keating ayaa Soomaaliland kala soo hadli doono si lamid ah Puntland daminta Xiisadda ka taagan deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool oo ay wali isu hor fadhiyaan Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland.

Ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa ku dagaallamay degaankaas,waxaana ay Ciidanka Somaliland qabsadeen 8ddii January 2018,wixii xilligaas ka dambeeyayna waxaa ka jiray Abaabul dagaal iyo Jawi Colaadeed.