Somali News

Amenia iyo Azerbaijan oo gaaray heshiis xabbad joojin ah

Iyadoo ay dhexdhexaadineyso Russia, ayaa dalalka Armenia iyo Azerbaijan waxa ay ku heshiiyeen xabbad-joojin maanta oo Sabti ah ka bilaabata gobolka Nagorno-Karabakh ka dib laba toddobaad oo uu socday dagaal culus oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee in ka badan 25 sano ka dhaca gobolkan gooni u goosadka ah.

Ilo wareedyo rasmi ah oo labada dhinac ah ayaa midba midka kale ku eedeeyay in ay gantaalo iyo sawaariikh ay ku garaaceen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah Sabtida maanta ah saacado ka hor xabbad joojinta.

Wasiirradda arrimaha dibadda ee labada dal ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in xabbad joojintu ay tahay mid la isku weydaarsanayo maxaabiista iyo isku celinta kuwa ku dhintay dagaalka, iyagoo intaa ku daray in faahfaahinta gaarka ah dib looga heshiin doono.

Ku dhawaaqista heshiiskan ayaa timid ka dib 10 saacadood oo wadahadallo ah oo ka dhacay magaalada Moscow oo uu martegeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isagu akhriyay bayaanka. Heshiiska ayaa qeexay in xabbad joojintu ay gogol xaar u noqoto wadahadallo lagu xallinayo khilaafka.

Haddii xabbad joojintu ay hergasho, waxay calaamad u noqon doontaa guul weyn oo diblomaasiyadeed oo ay gaartay Russia, oo heshiis dhanka amniga ah la leh Armenia laakiin sidoo kale xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Azerbaijan.

Tan iyo bilowgii dagaalka, Armenia ayaa sheegtay in ay u furan tahay xabbad-joojin, halka Azerbaijan ayaa ku xirtay shuruud ah in ciidamada Armenia ay marka hore ka baxaay Nagorno-Karabakh, iyadoo ku doodaysa in fashilka dadaallada caalamiga ah ee gorgortan siyaasad uu keenay in aysan jirin fursad aan ka aheyn isticmaalka awod ciidan.

Russia ayaa fidisay gogosha wadahadallada nabadda ee Nagorno-Karabakh iyadoo ay wehliyaan Mareykanka iyo Faransiiska oo ay si wadajir ah u gudoomiyaan kooxda loo yaqaan Minsk Group, oo ka hoos shaqeeya Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dalalka Azerbaijani iyo Armenia oo bilowday 27-kii September ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu darnaa tan iyo dagaalkii labada dhinac dhexmaray intii u dhaxaysay 1991-1994-kii kaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya 30, 000 oo qof islamarkaana la soo afjaray ka dib markii la gaaray xabad-joojin si joogto ah loogu xadgudbayay tan iyo markii la saxiixay.

Dhulkan buuraleyda ah ayaa waxaa iska leh Azerbaijan marka loo eego sharciga caalamiga, laakiin waxa uu gooni u goostay markii uu burburay Midowgii Soofiyeeti, waxaana ku nool oo xukuma bulsho ka soo jeedda qowmiyadaha Armenia.

Jimcihii, Madaxweynaha Azerbaijan ayaa meesha ka saaray in wax tanaasul ah loo sameeyo Armenia, isaga oo ku dooday in goobta lagu dagaallamayo ay tahay “dhulkeenna mana sameyn doono wax tanaasul ah.”

Mowqifkan aan gorgortanka laheyn ee khudbad uu Madaxweyne Ilham Aliyev ka jeediyay TV-ga ayaa umuuqday in uu yareyn karo fursad lagu dejiyo xiisadda labada dal.

Xigasho: VOA