Muqdisho-KNN-Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani Amiirka dalka Qatar ayaa amar ku bixiyay in si deg-deg ah Soomaaliya loogu diro gargaar caafimaad, kaas oo wax looga qabanayo ka hor tagga cudurka Coronavirus.
Sida ay qortay Wakaalada wararka ee dalka Qatar, Amiirka ayaa amray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo daabulo gurmad caafimaad, kaaso oo loo dirayo Soomaaliya.
Amiirka ayaa tilmaamay in Qatar ay ka qeyb qaadaneyso dadaalada ay Soomaaliya uga hortegeyso xanuunka saf-marka ah ee Coronavirus/COVID-19.
Diyaarad sida qalabka uu amray Amiir Tamiim ayaa lagu wadaa inay saacadaha nasoo aadan soo caga-dhigato garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Sida ay wararku sheegayaan diyaaradaas ayaa la filayaa inay kusoo hakato magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaas oo ay qeyb ka mid ah agabkaas caafimaad ay ku dejin doonto.
Dowladda Qatar ayaan wax gurmad ah soo gaarsiin Soomaaliya, tan iyo markii uu dilaacay cudurka Coronavirus, hase yeeshee waxaa jiray gurmadyo kale oo Soomaaliya uga imaanayey dalal iyo hey’ado caalami ah uu ugu horreeyo Turkiga oo maanta markiisii seddaxaad wax bil ka yar Muqdisho gargaar caafimaad ka soo dejiyey.