Somali News

Amiirka Qatar oo lagu casuumay shir ka dhacaya magaalada barakaysan ee Makka.

Muqdisho-KNN-Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqad casuumaad ah kahelay Boqor Salmanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya si uu uga soo qayb galo shir deg deg ah oo ka dhacaya magaalada barakaysan ee Makka.

Shirkan oo ay kasoo qaybgalayaan wadamada ku bahaysan Golaha Iskaashiga Gacanka ayaa waxaa uu dhici doonaa 30’ka bishan May sida ay shaacisay wasaarada arimaha dibada dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sidookale helay fariintan xilli xoghayaha guud ee ururka GCC Axadii uu tagay magaalada Doxa.

Bishii June ee sanadkii 2017’dii ayay ahayd markii dalalka Sucuudiga, Masar, Baxrayn, iyo Imaaraatka ay xiriirka u jareen dalka Qatar iyagoona sidookale cunaqabateeno kasaaray dhulka, badda, iyo hawadaba.

Isbahaysigan uu hogaaminayo Sucuudiga ayaa waqtigaasi Qatar ku eedeeyay in ay taageerto waxa loogu yeero argagaxisda balse Doxa ayaa eedeemahaasi ku tilmaamtay waxba kama jiraan.