Uncategorized

AMISOM:-Amniga Jawaari Annagaa masuul ka ah.

Muqdisho-KNN-Taliska Ciidamada Howlgalka u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in ay la wareegeyn amaanka Xarunta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya inta laga xalinayo khilaafka ka dhax jira Xildhibaanada Golaha shacabka.

Taliyaha AMISOM Paul Lokech ayaa warbaahinta u sheegay in ay adkeyn doonaan xarunta Amnigeeda inta xal buuxa laga gaarayo Khilaafka Baarlamaanka, sidoo kale waxa uu sheegay in ay masuuliyad ka saaran tahay amaanka Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari.

“Amniga Guddoomiye Jawaari annaga ayaa masuul ka ah waana qayb ka mid ah waajibaadka aan dalka u joogno hadda iyo mar kasta waxaana daamanad qaadeynaa amaanka Guddoomiyaha Golaha shacabka, sidoo kale si KMG ah inta laga xalinayo Khilaafka Golaha ka dhax jira annaga ayaa  sugayno amaanka dhismaha Guriga Umadda” ayuu yiri Taliyaha AMISOM.

Khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray meeshii ugu sareysay waxaana wixii markaan ka dambeeya laga cabsi qabaa walaac ku aadan dagaal dhax maro.