Danow–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa Degmada Qoryooley iyo Degaanka Danow oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta ay kuwada Dagaalameen Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab.
Sida uu soo sheegayo Wariyaha KNN ee Gobolka Shabellaha Hoose Saciid Ra’iis Cali waxaa Dagaalku uu ahaa mid mudo kooban socday,iyadoo ay Labada Dhinac isu adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala duwan.
Warar Madax banaan oo ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab Labadoodaba uu kala gaaray Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.
Goobjoogeyaal ayaa sidoo kale ku soo Waramay in ay Arkeen Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM oo Khasaare la gaarsiiyay iyo Meydadka tiro kamida Al-shabaab oo Goobta yaalla.