Uncategorized

AMISOM iyo Maamulka G/SH/Hoose oo maanta ka arinsaday amniga gobolkaasi

Baraawe-KNN-Kulan looga arinsanayay amniga gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta ka dhacay deegaanka Maringuwaa oo hoostaga degmada Baraawe.

Kulanka ayaa wuxuu u dhaxeeyay saraakiisha ciidamada xooga ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo kuwa AMISOM.

Kulanka ayaa yimid kadib markii maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay ka dhacayeen weeraro iyo Qaraxyo mas`uuliyadooda ay sheeganayeen Al-shabaab.

Guddoomiyaha Deegaanka Maringuwaa Cabdulqaadir Aadan Mayoow kana mid ah Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galaya oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga arrinsanayay sidii looga hortagi lahaa weeraro la sheegay in Shabaab ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.