Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Ciidamada Amisom ayaa si wadajir ah war uga soo saaray Dhacdo 23kii Bishan uu ku dhintay askari ka tirsan ciidanka NISA sidoo kalane ay ku dhawaacmeen lix ruux oo askari kale uu ku jiro
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo shir jaraid Muqdisho ugu wada qabteen wakiilka Midowaga Africa ayuu Wasiirka arimha gudaha dalka ku sehegay in iska hor imaadkii ciidamo ka tirsan Dowlada iyo Amisom ku dhax maray wada km4 ee gasha garoonka Diyaaradah Muqdisho uu u dhacay si aan ku talagala aheyn islamarkaan dowlada iyo Amisom ay isla qaateen in baaritaan ku filan lagu sameeyo isagoo sheegay wada shaqeynta ciidamadu Dowlada iyo kuwa Amisom inaaney dhacdadaas waxba ka badalin.
Wakiilka gaarka midowga afrika ee arimha Soomaaliya Francisco Madeira oo isna shirkan jara’id ka hadlay ayaa sheegay inuu ka xunayhay dhacadaas oo uu sheegay inay faa’iido u laheyd alshabaab, waxase uu sheegay in dowlada iyo amisom ay wadaagan hal u jedo o ah in ay ka adkaadaan Alshabaab.
23-kii bishaan ayaa kadib weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa uu isku dhac kooban dhexc maray ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom halkaas opo uu mid kamid ah Askarta Dowlada ku geeriyooday.