Somali News

AMISOM oo ka hadashay ka bixisteeda garoonka ciyaaraha ee Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wakiilka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Amb Francisco Madeira, ayaa ka hadlay ka bixista ciidamada AMISOM ee Garoonka ciyaaraha ee stadium Muqdisho.

Bar qoraalka uu ku leeyahay mareegta  Twitter-ka, war uu ku baahiyay ayuu ku sheegay Madeira in uu AMISOM ku amaanayo qorshaha ay ku faarujinayaan Isbartiibada muqdisho.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maqlo in garoonka ciyaaraha ee Muqdisho uu dib ugu laabanayo bulshada Soomaaliyeed” Ambaasador Madeira ayaa sidaa yiri.

Shalay ayey ciidamada AMISOM ku dhaqaaaqeen talaabada ah in ay ka baxaan garoonka ciyaaraha ee isbartiibada oo muddo dheer fariisin u ahaa, waxaana arintaa si weyn usoo dhaweeyay bahda ciyaaraha.