Muqdisho-KNN-Korneyl fabian oo ah Taliyaha howlgelinta Ciidamda AMISOM ayaa maanta ka hadlay barnaamij looga hadkayay xasilinta Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho wuxuuna soo hadal qaaday kabixitaanka Ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.
Koeneelka ayaa hoosta ka xariiqay kabicitaanka Ciidamada AMISOM ee garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho in uu yahay qorsho hor yaala Ciidamada AMISOM islamarkaana ay horay u dajiyeen ka dib markii amar ku aadan arintaasi ay ka heleen dowladda Soomaaliya dhawaane ay faarunin doonaaan amarkaasi ayna ka bixi doonaan Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho.
Hadalka korneyl fabian oo ah Taliyaha howlgalinta Ciidamada AMISOM ayaa imaanaya kadib markii Ra`iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ku amray in si dhaqsi ah ay uga baxaan Ciidamada AMISOM Garoonka Muqdisho.