Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horreysay looga hadlay diyaaradii African Express ee maalin ka hor kusoo dhacday duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay.
Madaxa guud ee AMISOM, ahna wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhankooda ay fududeyn doonaan baaritaanada socda, si loo cadeeyo sababtii ka dambeysay inay diyaaradu soo dhacdo.
Amb. Madeira ayaa qoraalkan tacsi ugu dirtay ehellada dadkii ku geeriyooday shilka diyaaradii African Express oo ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya.
“Diyaaradda ka tagtay Baydhaba, waxaa saarnaa lix qof, waxayna kusii jeeday Bardaale, oo 300 KM waqooyi galbeed uga toosan caasimadda Muqdisho, howlgalka Midowga Afrika waxa uu soo dhaweynaya go’aanka ay gaareen Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ee ku saabsan shilkaas lagu sameeyo baaritaan buuxa” ayaa lagu yiri warkan kasoo baxay AMISOM.
Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Waxaan rajeyneynaa in aan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana taageeri doonaa oo aan fududeyn doonaa baaritaanada looga goleeyahay in lagu cadeeyo duruufaha ku xeeran dhacdadii Bardaale.”
Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa shalay gelinkii dambe gaaray goobtii ay maalin ka hor ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale.
Wafdigaas waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya.
Mas’uuliyiintan ayaa weli ku sugan Bardaale, waxay halkaas u gaaree sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sababtii ka dambeysay in diyaaradaasi ay soo dhacdo, waxaana laga war sugayaa wixii ka soo baxaya baaritaankaas oo sida muuqata ay iska kaashanayaan xubno sare oo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.