Uncategorized

AMISOM oo Shaacisay Tirada Ciidankeeda ee sanadkaan ka baxaya Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya sidoo kalane ah Ninka ugu sareeya Ciidanka AMISOM Francisco Madera ayaa maanta shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay Tirada Ciidamada ugu horeeyo ee howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka baxaya Dabayaaqada sanadkaan.

Madera ayaa sheegay in sanadkaan dhamaadkiisa ay Soomaaliya ka baxayaan ugu yaraan 1,500 oo Askari kuwaas oo dalkooda dib ugu laaban doono sidoo kale Wakiilka Midowga Africa ayaa sheegay waxyar waxyar ay ugu baxayaan Soomaaliya ilaa ay Ciidamada Soomaaliya kala waragaan amaanka Dalka.

Dhinaca Kale Francisco Madera ayaa beeniyay in Ciidamo Cusub oo itoobiyaan ah ay soo gaareyn Soomaaliya waxa uuna been abuur ku tilmaamay wararka ay baahiyeen Warbaahinta Dalka.

Inkastoo Wakiilka midowga Africa uu beeniyay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay dalka soo galeen ayaa hadane Saraakiisha Ciidanka Xoogga Mas’uuliyiinta Gobalka Gado iyo dadka deegaanka ee Gobalka Gedo ay si wadajir u xaqiijiyeen Kumanaan ka mid ah Milatariga Itoobiya ay ka soo gudbeen Xadduuda Gobalka gado ee Itoobiya.

Ciidamadaas ayaa la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay Iclaamisay Dowladda Soomaaliya.