Uncategorized

AMISOM oo War ka soo saartay Weerarkii lagu qaaday Ciidankeeda Gobolka Sh/Hoose

Iyadoo Weerar isugu jira Qarax iyo Mid toos ah Maanta lagu Weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika Ee AMISOM oo marayay qeybo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Weerarkaas ka hadlay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson rono, wuxuu xaqiijiyay in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah”

Masuuliyiinta dowlada ee Gobolka Shabeelaha hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wali aan la kala cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka balse ay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen,waxaana Wararku ay sheegayaan in dad Shacab ah ay Dhimasho iyo Dhaawac ay ka soo gaartay Rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM ee la Qarxiyay.