Muqdisho-KNN-Taliska ciidamada AMISOM ayaa war ka soo saaray dilkii habeen ka hor ay u geysteen Askari ka tirsanay ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka iyo laba ruux oo shacab ah, dilalkaas oo ka dhacay aga gaarka isgoyska KM4 gaar ahaan wadada aada garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in dilkaas ay geysteen ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Gen. Paul Lokech oo ah Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in dilka ah uu dhacay markii ay loo diiday in maraan wadada, islamarkaana ay waceen taliyeyaasha Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka ee halkaasi heystay, xili ay ku howlanaayeene xariirka madaxda ciidamada NISA ay xabadda bilaabeen ciidamo ka tirsan Nabad Suggidda Soomaaliya ee ku sugan Kontoroolka ay doonaayeen in ay Maraan, laakiin halkaasi uu ka dhashay khasaaro dhimasha ah.
Hadalkaan ka soo yeeray AMISOM ayaa imaanaya xili shalay ehelada Askariga ay dileen kolonyada ciidamada AMISOM ay Dowlada Soomaaliya ay ka dalbadeen in cadaalada la hor keeno Kolonyadii dishay Askarigii ka tirsanay ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaran, ilaa iyo haddana majirto cid ka hadashay dhanka Dowlada hadii ay ahaan laheed Saraakiisha NISA iyo Dowladaba.