Muqdisho-KNN-Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AMISOM ayaa sheegay in ay Diyaar garoow ugu jiraan Bisha Barakeysan ee Ramadaan islamarkaana ay Ciidamo geeynayaan meelaha looga Cabsano in ay Al-shabab soo weeraraan.
Taliyaha qaybta Koowaad ee AMISOM Paul L’Okech ayaa sheegay in Qiimeeynta ay sameeyn doonaan ciidamadda Militariga Soomaaliya iyo Booliiska kadiba lagu dhawaaqi doono Howlgal ka hor tag ah oo Al-shabaab lagu Baacsanayo.
Suxufiyiinta ayuu hadalkaan ku siiyay Muqdisho, waxaa uu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in ay xoojiso Booliiska haddii ay weerarro qabsadaan.
“Al-shabaab waxay had iyo jeer Ramadaanka isticmaalaan in ay Weeraro fuliyaan, laakiin meelkasta waan sugnay” ayuu yiri Paul L’Okech.
Waxaa uu sheegay in meelaha ugu badan ee Al-shabaab ay beegsaadaan ay yihiin meelaha la isugu yimaado sida hoteella, Suuqyadda iyo Saldhigyadda.
Deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha Hoose ayuu sheegay in AMISOM ay Amaankooda adkeeysay.
Dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhankeeda isu diyaarineeysa in Ciidammo isku dhaf ah ay amaanka Magaaladda Muqdishu sugayaan Bisha Ramadaan.
Ciidamadaasi waxay isugu jiraan Booliis, Military, Nabad sugid iyo Asluub.