Uncategorized

AMISOM”Ammaanka Magaalada Muqdisho Mas’uul kama nihin”

Afhayeen u hadlay ciidamada midawga Africa ee Soomaaliya jooga ee AMISOM oo la hadlay Telefishinka Al-Jaziira ayaa sheegay in ciidamadooda ay wax eed ah ku lahayn qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ee Al-Shabab geystaan

Afhayeenkaan u hadlay ciidamada AMISOM waxaa uu sheegay in ciidamadooda ay Soomaaliya ka qabteen shaqo badan oo ay Al-Shabab ka saareen dhawr magaalo hase ahaatee sugida amaanka magaalada Muqdisho ay u xil saaran yihiin ciidamada amaanka Soomaaliya.

“Sugida amaanka Muqdisho waa la qeybsaday  AMISOM waxay u xil saaran tahay sugida amaanka madaxtooyadda iyo garoonka diyaaradaha inta kale ee magaaladana waxaa u xil saaran ciidamada dawlada” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga oo lagu qiyaaso in ka badan 20 kun oo askari  waxaa uu waajibaadkoodu yahay caawinta dawlada oo dagaal adag kula jirta ururka Al-Shabab.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo wax laga weydiiyay sababta ay dawlad ugu guulaysan la’dahay sugida magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in dawladu qaaday tilaabo ay ku sugayso amaanka oo ay aas aastay qiyaastii 1500 oo askari oo ku guulaystay in magaalada xasilooni ku soo celiyaan.

“Waa ka guulaysanay argagixisada kaliya waxa kaliya ee ay kusoo hareen waaa inay is qarxiyaan” ayuu yiri wasiir Yariisow.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Al-Shabab sababta ay magaalada qaraxyada uga geysanayaan ay tahay inay dunnida tusaan inay yihiin willi awood jirta.

Tvga Al-Jaziira ayaa baahiyay in sanadkaan qiyaastii 20 qarax oo Muqdisho waxay sababeen dhimashada 500 oo ruux iyo dhaawaca 600 oo kale qaraxyadaas badankoodna Al-Shabab ayaa sheegtay.