Taliska ciidamada AMISOM, ayaa sheeegay inay qaadayaan tallaabooyin dib u habayn ah.
Tallaabooyinkan ayaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwa is daba-joog ah oo loogu talagalay qaabka ay u howl-galaan ciidmada AMISOM.
War ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa lagu sheegay in qorshahan uu la jaanqaadayo dhaqdhaqaaqa ciidamada milatariga Itoobiya ee hadda la arkay iyagoo ka gudbaya xadka Soomaaliya.
Madax hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in ay toddobaadyada soo socda ay sii wadi doonaan dhaqdhaqaaqa istiraatiijiga ah, kaasi oo aan carqaladeynayn doonin bixinta adeegyada nabad-gelyada ee jira, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomaaliyeed.
Qaraarka golaha amniga ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017) wuxuu ku baaqayaa in xaalad ku saleysan si tartiib tartiib ah, looga saaro ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ka dib tababar xoog ah iyo wacyi-gelin siinta ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliya.