Somali News

Ammaanka Jowhar oo la adkeeyay iyo Doorasho berri ka dhaceysa

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, haalkasi oo beri lagu qaban doono doorashada seddex kursi oo ka harsaanaa maamulka Hirshabelle.

Kuraasta beri doorashadooda la qaban doono ayaa waxaa ka mid ah HOP#141 & HOP#146  iyo HOP#135, kursi HOP# 135 ayaa waxaa horey ugu fadhisay allaah u naxriistii Xildhibaano Aamino Maxamed Cabdi.

Guddiga Doorashooyinka SEIT Hir-Shabeelle ayaa maanta xareeyay Ergada dooraneysa kuraasta kala HOP#135, HOP#141 & HOP#146  waxaa usoo gudbiyay Odoyaasha dhaqanka Beelaha leh kuraastaas.

HOP#141: waxaa horey ugu fadhiyay Wasiir hore ee Amniga XFS Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

HOP#146: Waxaa ku fadhiya Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Halka HOP#135: Kursigana ay ka geeriyootay AHUN Aamina Maxamed Cabdi 23kii Maarso 2022.

Guddiga doorashooyinka ee Hirshabelle ayaa maanta wada qaban qaabadii ugu dambeeysay ee lagu qabanayo doorashada seddexda kursi ee ku harsan maamulka Hirshabelle.