Ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay iyadoo loo dareeray codaynta doorashada lagu murmay ee ku celiska ah, taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu wayn.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto ayaa dadka ugu baaqay in ay codeeyaan ammaankana ilaaliyaan.
Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo isaga haray doorashada ku celiska ah ayaa ku baaqay in taageerayaashiisu aysan codaynin.
Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii 8 August, laakiin waxba kama jiraan ayaa laga soo qaaday ka dib markii lagu helay “wax isdabomarino”.
Goobaha codaynta ayaa albaabada loo furay 6:00
udoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.
Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.
Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan. Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.