Somali News

Ammaanka Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay

Kismaayo-KNN-Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa waxa ay sheegayaan in ammaanka saaka siweyn loo adkeeyay.

Ciidamada ammaanka Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa wadooyinka lagu arkayaa, waxaana wadooyinka qaar saaka laga joojiya in ay isticmaalaan gaadiidka.

Saddexda Bishan Septemper ayaa lagu wadaa in Kismaayo ay marti galiso shirka madaxda maamul goboleedyada, maanta inta badan madaxda gobollada ayaa qorshuhu yahay in ay gaaraan magaalada Kismaayo.