Somali News

Amniga guud ee RW Rooble oo Ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyay

Kadib hadalkii kasoo yeeray Hay’adda NISA ee ahaa in Al-shabaab ay qorsheenayaan weerar ay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble, waxaa si weyn loo adkeeyay amniga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ciidamo badan oo iskugu jira militari, Booliis iyo kuwa ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu arkayaa maanta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu ku  Shaqeeyo iyo Guriga uu degan yahay.

Ciidamada ayaa si aad ah ugu sugaya amniga RW Rooble, waxaana ay ka muuqato feejignaan dheeri ah, iyaga oo dhaq dhaqaaqyo baaritaano ah ka sameenayo aagga uu RW Rooble ku sugan yahay.


Dhinaca kale, wareegto kasoo baxday Xafiiska RW Rooble ayaa xilkii looga qaaday xalay Taliyihii ilaalada Ra’iisul Wasaaraha XFS  Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Codeey),waxaana xilkaasi loo magacaabay Gaanshaale Maxamed Cabdi Yare.

Tani ayaana ka dambeesay, kadib markii la sheegay in Taliyihii xilka laga qaaday ee Cabdullaahi Maxamed Codeey uu ku kacay talaabo amniga Raysal Wasaare Rooble Amnigiisa halis galin karta taasina ay sababtay in xil ka qaadis lagu sameeyo.