Sports

Andres Iniesta oo xaqiijiyay inuu ka tagayo Barcelona.

Muqdisho-KNN-Andres Iniesta ayaa xaqiijiyay inuu ka tegi doono Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu 22 sanno ku soo qaatay kooxda.

Iniesta ayaa ku biiray Barcelona isagoo 12 jir ah, waxaana uu ku guuleystay 31 koob oo waa weyn intii uu joogay kooxda reer Catalan.

33 jirkaan ayaa shir jaraa’id oo khaas ah ku qabtay jimcihii si uu ugu dhawaaqo inuu ka tagayo, inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka Spain uu diiday inuu magacaabo kooxda uu ku biirayo.

“Tani waa xilli ciyaareedkeygii ugu danbeysay ee Barcelona, ​​tani waxay aheyd go’aan soo qaadatay fikir badan, Barcelona waa kooxdii ugu fiicneyd aduunka, waxaana ay i siiyeen wax walba,” Iniesta ayaa u sheegay saxaafada.

“Aad ayay iigu adag tahay in aan sheego erayadan, lakiin aad ayaan ugu faraxsanahay qof walba oo Barca iyo La Masia oo iga dhigay midka aan ahay, waxaan marwalbo u qaadanayaa  Barcelona qalbigayga, waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo qofkii ila socday waqtiyada xun iyo kuwii wanaaggaba.

“Waxaa jira waxyaabo ay tahay in laga hadlo oo aan dhameystiro, marwalba waxaan dhihi lahaa marnaba kuma tartami doono kooxdeyda, dhamaadka xili ciyaareedka waxaan u sheegi doonaa booskii aan doortay.”

Iniesta ayaa labo gool dhaliyey, waxaana uu seddex gool caawiyey 39 kulan oo uu u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan.

Qalinkii:Aadam Aqaar