Sports

Anthony Martial oo suurto gal ah inuu ka dhaqaaqo Untd.

Muqdisho-KNN-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay iska iibiso Anthony Martial xagaaga soo aaddan, waxaana ay u isticmaalaysaa  lacagta ay ku iibsaneyso inay kula soo wareegto Gareth Bale.

22 jirkaan ayaa dhaliyay 11 gool xagagan, waxa uuna caawiyay 10 gool, 40 kulan oo Red Devils uu u saftay  xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu ku dhibtoonayaa inuu booska koowaad uga ciyaaro Jose Mourinho horyaalka Premier League.

Mustaqbalka Martial ee Old Trafford ayaa shaki la galiyay markii wakiilkiisa uusan xaqiijineynin inuu ciyaaryahanka sii joogi karo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

 Dhanka kale, Bale ayaa ah mid wali laga hadal hayo inuu ka dhaqaaqayo Bernabeu.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Mourinho ayaa daneenaya inuu garoonkiisa ka fasaxo ciyaaryahan Anthony Martial si lacaga laga hello xidagan uu kula soo wareego G.Bale.

28 jirkaan lagu qiimeeyo £88m ayuu daneenayaa inuu dib ugu soo celiyo horyaalka EPL, laakiin wuxuu ku qasbanaan doona in lasiiyo ciyaaryahankan mushaharka ah £600,000 todobaadkii sida uu qabo qandaraaskiisa Blancos, taasoo ka dhigeysa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan Premier League.

 by Aadam Yusuf Ahmed Aqyaar